Iska hor imaad markale ka dhacay Saax-Maygaag

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay in ka badan 15 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka socda tuulada Saax-maygaag.

Dagaalka labada dhinac ayaa ku salaysan muran ka taagan degaamaynta Saax-maygaag iyo Senga-jebiye oo u dhexeeya degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Dagaalka oo bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayaa weli halkaas ka socda waxaana wararka qaar sheegayaan in khasaaruhu intaas ka badanyahay.

Sidoo kale lama soo werin cid waan-waan ka dhex wadda labada dhinac oo marar kala duwan ku dagaallamay degaankaas Saax-maygaag.