Rooble iyo Sadex Madaxweyne D.Goboleed oo kulan usocdo

Waxaa hadda Decale Hotel ee Magaalada muqdisho shir uga socda Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo sedex Madaxweyne Dowlad Goboleed oo kala ah Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Sedexdaan Maamul iyo Ra’iisul Wasaaraha wada hadalkooda kaddib waxaa kusoo biiraya Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha jubbaland oo hadda jooga Hotel aan sidaasi uga fogeyn meesha shirku kasocdo.

Berrito,ayaa laga yaabaa inuu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran madaxda Dowlad Goboleedyada ka hor furmida shirka banaanka ayey kusoo wada hadlaayaan.