Dhabancad oo amray in la dardargeliyo Doorashooyinka

Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa saaka xarunta dhexe kula qaatay kulan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo Diimoqraadiyada Puntland Maxamed Cabdirixmaan Dhabancad.

Guddiga iyo Wasiirku waxa ay ka wada hadleen sidii loo dar dar galin lahaa geedi-socodka diimuqraadiyada, loona dhamaystiri lahaa shaqada ka dhiman dhamaystirka doorashooyinkii sadexda degmo Qardho, Eyl iyo Ufeyn ka dhacday 25/10/2021.

Wasiirku waxa uu ballan qaaday in laga bilaabo asbuucaan la bilaabayo shaqada dardar galinta doorashooyinkii sadexda degmo. Guddiga ayaa dhawaan bilaabi doona kulamadii wada-tashiga ee daneeyayaasha geedi socodka hanaanka axsaabta badan ee Puntland.