Faahfaahin Hubka iyo Rasaasta Bosaso lagu qabtay

Gaari iska-rogo ah,oo ku raran Hub iyo Rasaas ayay Ciidamada amaanka Bosaso gacanta ku dhigeen.

Gaariga,waxaa saarnaa Ciid lagu qarinayay Hubka,waxaana la dhex dhigay oo laga soo qabtay Geeresh ku yaal Xaafada Minisaariyo.

Hubka ay Ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen,waxuu ka kooban yahay…

2-Baasuke
2-Dhashiike
1-Beekaa-em
11-Ak47
80-Kartoon oo Rasaas ah.

Sida aan xogta ku helay Hubkan waa mid Ganacsi oo uu lahaa mid ka mid ah Raga lagu xanto ka Ganacsiga Hubka oo reer Bosaso ah.

Waxay ubadan tahay in Hubkaas Dowladu la wareegto oo Xeer-ilaalintu soo saarto Amar xalaalayn ah.