Maxay tahay danta ugu jirta NISA inay garoonka joogaan?

Xilli horeba,waxuu qorshuhu ahaa sidii ciidanka booliska loogu wareejin lahaa amniga garoonka.

Mar walbana waxay ahayd Ciidanka Nisa in laga maarmo ayay ahayd,waxaana loo arkayay sababta ay weli u joogeen in ay ahayd go’aan ku xirnaa madaxda NISA oo diidayay inay gacantooda ka bixiyaan awood ay heysteen.

Garoonkan waa meesha ugu xasaasisan ee dalku uu leeyahay,waxa uu xarun u yahay safaaradihii ajaanibta oo dhan, waxa uu xarun u yahay saldhigga AMISOM, waa meesha dalka laga soo galo oo diyaaradaha ugu waaweyn ee caalamiga ah ay imaadaan.

Waa meel doorashooyinkii lagu qabanayo oo ilaa Madaxweyneyaasha lagu doorto,waa meel Dadka siyaasadda isdiiddan kala aaminsan ay ka dhoofaan kana soo dagaan, oo la rabo in lagu caburiyo ama lagu fududeysto.

Waa meel haddii aad yeelato awood aan xad lahayn aad soo degsan karto waxa aad rabto, haddey noqon lahayd waxyaabo sharci darro ah ama lacagaha doorashooyinka iyo wax walba.

Aragtiyo kala duwan ayaa la hadal hayaa oo ku saabsan danta ay NISA u joogto garoonka, dadka qaarna waxayba farta ku fiiqayaan in ay jiraan sababo siyaasadeed.

Bishii July ee sanadkii 2021-kii, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Cabdullaahi Kulane oo ahaa agaasimihii shaqaalaha NISA kadib markii siyaasiyiin ay sheegeen in laga celiyay in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, waxana dadkaasi ka mid ah Cusmaan Nuur Macalimu oo mar ah guddoomiyaha gobolka Gedo.

Waxaa jiray warar sheegayay in garoonka la dhigay Liis dad aanan la doonaynin in ay ka dhoofaan garoonka sababo siyaasadeed awgeed.