Midowga Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga Qaran oo kulmay

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta.

Labada dhinac,ayaa ka wada hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka.

Golaha Wadatashiga Qaran,ayaa dhanka Midowga Musharaxiinta ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada.

Kulankii kan ka horeeyay waxay Golaha Wadatashiga Qaran la qaateen Wakiilada Beesha caalamka oo sidoo kale ay kaga dhagaysteen talo bixintooda.