Maxay tahay danta Qaran Ee ku jirta in Farmaajo Amniga laga wareejiyo?

Garoonka Aadan-cade hada waa meel badbaado ah oo ay ka dhoofi karaan kana soo degi karaan Siyaasiyiinta iyo haldoorka kale ee diidan siyaasada Farmaajo iyo kooxdiisa.

Waxaa istaagay danihii gaarka ahaa ee Fahad ka fushan jiray garoonka iyo shaqsiyaadkii magacyadooda la dhigi jiray ee la bar tilmaameedsan jiray.

Sidoo kale,waxaa laga hor tagay Ciidamadii Ereteya laga soo celinayay ee danaha gaarka ah loo adeegsan lahaa.

Waxaa xirmay Terminalkii ugaarka ahaa ee Nisa isticmaali jirtay.

Hadaba,iyadoo laga duulayo badqabka amniga Dalkoo idil oo ay ku jirto Doorashada,waxaa muhiim ah in laga qaado awooda hogaaminta Ciidanka Farmaajo.

Dastuurka Dalku,waxuu qabaa in mudo xileedka Madaxweynaha uu yahay 4-sano,isla markaana 4-tii sanaba Doorasho qabsoonto.