Shirkii Wadatashiga Qaran oo natiijo la’aan kusoo afmeermay

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ay u ahayd maalintii Afraad ayaa hadda jawi wanaagsan kusoo xirmay.

Madaxda,ayaa maanta halkii shalay kasii waday shaqada.

Waxayna isla wadaageen aragtiyaha iyo soojeedimaha dhexdooda ah.

Golaha,ayaa beri oo Jimce ah nasan doona waxayna isu imaan doonaan Habeen danbe si ay u dhameystiraan arimaha harsan.

Maanta waxay u ahayd Shirka mid adag oo la jeexjeexay arimihii ugu cuslaa.

Qodobka ugu adkaa ee laysku mari waayay loona balamay in dib layskugu soi laabto oo dhawr jeer Shirku kharar ugalay in uu burburo,ayaa ah ku wareejinta Amniga guud ee Dalka Ra’isalwasaaraha.

Ilaa iyo hada waxaa la mari la’ayahay Madaxweyne Laftagareen oo diisan saxiixa Qodobkaas.

Halka Qoor-qoor iyo Guudlaawe meel dhexe ay taafan yihiin.