MADAXWEYNE AXMED MAXAMED ISLAAM OO KULAN LA QAATAY SAFIIRKA IMAARAADKA CARABTA EE SOOMAALIYA

Muqdisho, 07, Janaayo, 2022-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Imaaradka Carabta uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen abaaraha ka jira Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab.

                       DHAMMAAAD.