Video:-Rooble oo ka raaligeliyay Imaaraadka Lacagtii horay looga dhacay

Rooble waxuu Maanta ka gudoomay Safiirka Imaaraadka Carabta Deeq Raashin ah oo loogu talagalay Dadka Abaaruhu saameeyeen.

Deeqdan,waxaa la wareegay Wasaarada Gargaarka ee Dowlada Fadaraalka.

Dad badan,ayaa qaba in Somaliya xaalad adag oo abaareed,ay ku jirto Kiish Bariis ah cidii ugu deeqdana in looga mahadceliyana waa loo baahan yahay.

Sidoo kale go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu Dowladda Imaaraadka Carabta uu kaga raali galiyey dhacdadii loogala wareegay lacagtii bishii April ee 2018,waa mid loo baahnaa.

Farmaajo 4-tii sano ee lasoo dhaafay,waxuu burburiyay haykalkii Diblomaasi ee Siyaasada Dibada Somaliya,waxuuna dhulka dhigay xiriirkii Caalamka ee Dalka.

Halkan ka daawo muuqaalka