Faallo:-Xaalka Puntland 3-sano kadib Doorashadii Deni !!

Madaxweyne Deni Doorashadiisii bulshadu masoo dhaweyn,markii lagu dhawaaqay natiijadii Cod bixinta Qofka kaliya ee u istaagay una sacab tumay waxuu ahaa Maxamuud Shido.

Balse markii danbe Dadku tartiib tartiib,ayay ugu soo dhawaanayeen.

Dadku waxuu ukala baxay kuwo go’aansaday in ay la shaqeeyaan maadaama la doortay iyo kuwo go’aansaday in ay ka gaabsadaan oo ka aamusaan.

Deni talaabooyin muhiim ahaa oo uu qaaday,waxay usoo jiideen sumcad,kuwaasoo kala ahaa.

1.Dib uhabaynta Ciidamada.

2.Dib uhabaynta Maamulka iyo Maaliyada.

3.Iska celintii Farmaajo iyo kooxdiisii

Balse waxay wax walba isbadaleen oo uu lumiyay taageerada boqolkiiba Todobaatan Bulshada Puntland dagaalkii Bosaso.

Dabkii Bosaso,waxuu dhaliyay oo sababay arimo fara badan oo qarsoonaa in ay banaanka yimaadaan…

B.Waxaa banaanka usoo baxay kala qaybsanaanta Bulshada Puntland.

T.Waxaa banaanka usoo baxay dib uhabayntii Ciidamada Puntland in aysan wax weyn ahayn.

J.Waxaa banaanka usoo baxay sida Ciidamada Puntland iskugu jabeen.

X.Waxaa banaanka usoo baxay 23-kadib in magaaladii ganacsiga Puntland oo laga qaxay Hoobiyena ka dhacayo.

Kh.Waxaa banaanka usoo baxay in Ciidankii PSF ee ugu awooda badnaa guud ahaan Somaliya la fashilinayo.

D.Waxaa banaanka usoo baxay Dowladnimada Puntland oo ceebowday.

Haatan iyo xalka”

Madaxweyne Deni,waxaa la gudboon 2-da sano ee uhartay si uu wax usaxo in uu qaado talaabooyinkan…

B.In uu si buuxda u aqbalo go’aamada xalinta khilaafka PSF.

T.In uu usoo hoydo Isimada Karaamada leh.

X.In uu usoo istaago Siyaasiyiinta soo shaqeeyay.

Kh.In uu usoo istaago Saxaafada Wadaniga ah.

D.In uu 6-dii Bilood walba ku shaqeeyo mid ka mid ah Madaxtooyooyinka Puntland.

R.In uu isbadal buuxa ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.

Dagaalkii Bosaso waxuu Deni gayaysiiyay taariikh xumo aan ka harin,fashil hogaamineed iyo qarsoomid waxqabadkiisii 3-da sano.

Jibril Qoobey.