Qodobo aan ka ogaanay heshiiska xalinta khilaafka PSF

Qodobada laga gaaray khilaafka PSF cid si rasmi ah u og majirto aan ka ahayn Gudiga gacanta ku haya.

Balse,waxaa jira Xan ka agdhow oo soo duul-duulaysa.

Xantaasi waxay sheegaysaa in Jeneral Maxamuud Cismaan loo dayn doono hogaaminta Ciidanka PSF.

Sababta looga maarmi waayay oo go’aankaas loo qaatay,ayaa waxay tahay in qiimayn ay ku sameeyeen Gudigu Agaasimaha Madaxweynuhu magacaabay ay u arkeen in uusan awood ulahayn hogaaminta Ciidankaas,sida xantu sheegayso.

Haduu dhab noqdo Qodobkaas,waa talaabo bogaadin mudan oo badbaado u ah Ciidankaas aadka muhiimk ugu ah Puntland.

PSF waa Ciidan gaaraya ilaa 800 oo Askari,balse tababarka,Qalabka iyo garabkooda qarsoon ee Sirdoon ay ka dhigtay kuwo ka awood badan ama udhigma 80-kun oo Ciidamada caadoga ah.

Sidoo kale waxaa ka mid ah Qodobada la filayo in ay soo baxaan…

1.In Gobolka Bari qoondo looga sameeyo dhaqaalaha kasoo baxa Dekeda.

2.In Dadkii ku dhintay dagaalkii Bosaso Magtooda si guud Dowladu ubixiso.

3.In Shirkada DP World loo qabto mudo cayiman oo ay kusoo afmeerayso heshiiska Dekeda ay ku dhisayso.

Jibril Qoobey.