Saadiq John oo loo magacaabayo Talyaha Booliska Somaliya iyo isbadalo kale oo…

Caawa ilaa beri Subax,waxuu Farmaajo shaacin doonaa is badal uu ku sameeyay Saraakiisha Ciidanka.

Latashiyo uu ilaa habeen hore waday,ayuu soo gaba-gabeeyay,waxuuna caawa damacsan yahay shaacinta isbadalkiisa hogaaminta Ciidamada.

Naqshada cusub ee uu qorshastay Farmaajo in uu Ciidamada isbadal ugu sameeyo,ayaa udhigan sidan.

1.Talyaha Ciidamada Qalabka sida Beesha Daarood,waxaana lagu xamanayaa Biixi in uu ka dhigayo.

2.Talyaha Booliska Beesha Habargidir,waxaana lagu xamanayaa Saadiq John,iyadoo ku xigeen looga dhigayo Nin kasoo jeeda Beesha Murursade.

Ujeedka Habargidir oo Ra’isalwasaare haysata looga dhiibayo Booliska waa in Doorashada galaangalkeeda lala qaybsado Rooble,gaar ahaan Maamulada Hir-shabelle,Koonfur-galbeed iyo Galmudug.

3.Talyaha Ciidamada Lugta,waxuu siin doonaa,Beesha Abgaal.

4.Talyaha Booliska Gobolka Banaadir,waxuu siin doonaa isla Beesha Abgaal.

5.Sidoo kale Talyaha NISA,ayaa la filayaa in uu kusoo daro isaga oo umagacaabaya shaqsi kasoo jeeda Beesha Abgaal,si culayska badan ee dhanka Muqdisho ka saaran uu isaga yareeyo.

Xogtan,waxbaa iska badali kara oo mahan mida rasmiga ah ee soo bixi doonta.

Jibril Qoobey.