Wasiiradii dhawaan la magacaabay oo la dhaariyay

Garoowe: 09 January 2022: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir iyo Wasiiro ku-xigeeno uu dhowaan Madaxweynaha Dowladda Puntland magacaabay oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyey.

Munaasabadda Dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, halkaasi oo Wasiirada cusub uu ku dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , iyadoo uu Madaxweyne Ku-xigeenku goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah .

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Wasiirada cusub ee maanta la dhaariyey kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo masuuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isago alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo masuuliyiintan cusub ee dowladda kusoo biiray.

Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada ee la dhaariyey ayaa kala ah:

  1. Rashiid Maxamuud Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.
  2. Khadar Faarax Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland.

3.Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND