Xasuuq Gobolka Tigray Ee dalka Itoobiya

Shaqaalaha gargaarka iyo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ka dhacay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya ay ku dhinteen 56 qof, ayna ku dhaawacmeen 30 kale, ka dib markii xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah la garaacay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Duqeyntan oo ka dhacay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah habeenkii Jimcaha ayaa waxaa dadka dhintay ku jiray carruur, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen howlwadeeno ka tirsan hay’adaha samafalka oo soo xiganaya dad goobjoogayaal ah iyo maamulka deegaanka.

Saraakiisha dowladda Itoobiya ma aysan xaqiijinin duqeynta la sheegay in lagu garaacay deegaan ka tirsan magaalada Dedebit oo ku dhow xadka ay wadaagaan Eritrea.

Shaqaalaha gargaarka oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin sababo la xiriira in aan loo ogolayn in ay la hadlaan warbaahinta, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqeyntan ay dhacay habeenkii Jimcaha.

Duqeymahan cirka ah ee la soo wariyay ayaa dhacay kadib markii dowladdu ay sii deysay madaxda sare ee xisbiga TPLF iyo siyaasiyiin kale oo xirnaa habeenimadii Jimcaha, taas oo ah isku day lagu doonayay in lagu xakameeyo qalalaasaha dalka.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in la sii daayay Sebhat Nega oo ka mid ahaa aasaasayaashii TPLF, Abay Woldu, madaxii hore ee gobolka Tigray, Jawar Mohammed, Eskindir Nega iyo kuwa kale.

Wasiirka caddaaladda ee Itoobiya Gedewon Temotewos oo la hadlay wakaaladda wararka ee dowlada Sabtidii, ayaa sheegay in shaqsiyaadkna la sii daayay kadib markii ay dowladu meesha ka saartay eedaymihii dambiyada lagu lagu soo oogay.