Video:-Farmaajo khudbadiisa aan meelna uga xusin Ra’isalwasaare Rooble

“Waxaan Madaxda Dowlad-Goboleedyada dalka ku adkaynayaa hirgelinta Jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.”Ayuu yiri Farmaajo.

Falanqeeye Daahir Isaaq wuxuu yiri “Madaxweynaha khudbadiisa waxa ay ahayd 9 daqiiqo iyo dheeraad, halmarna ma uusan soo hadal qaadin magaca Ra’isulwasaaraha , doorkiisii uu ka qaatay madasha wadatashigana muu sheegin, balse warmurtiyeedkii ayuu aqbalay, hadalo dadka qaarkood u faristeen in ay xanaf leeyihiin buu sheegay, waana loo fasiran karaa in uu Ra’isulwasaaraha ula jeedo”.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in la dhawro hantida qaranka, lana illaaliyo ammaanada shacabka u dhiibteen madaxda.

Horey madaxweynaha waxa uu Ra’isulwasaaraha ugu eedeeyay ku tagrifal hantida qaranka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu qabaa in madaxweynaha uu maaganyahay dagaal uu ku qaado Ra’isulwasaaraha.

Halkan ka daawo muuqaalka