Islaan Bashiir oo ka hor yimid qorshe Aaran-jaan watey

Islaan Bashiir waa diiday in ay qoraan Warqad ay ku diidan yihiin go’aamada Isimada Bari.

Taa badalkeeda,waxuu go’aamiyay Shirweyne Wadatashi oo Puntland lagu badbaadinayo oo ay iskugu yimaadaan Isimadii Marjaca ahaa.

Shirkaas,ayaa ka dhici doona Caasimada Siyaasada Puntland ee Garowe,waxaana la iclaamin doonaa maalmaha soo sicda.

Faroole iyo Suldaan Siciid waxa ay rabeen Warqad ay ku qadacayaan Isimada in ay qoraan waana laga hor istaagay.

Islaan Bashiir waa uga mahadcelinaynaa garashadiisa iyo hogaaminta uu muujiyay Maanta.

Reer Puntland kala qaybin kale uma baahi qabaan ee midnimo iyo isu soo dhaweyn ayay rabaan.

Si gaar ah Beesha Cumar Maxamuud Nimankaas Bahdir mar baan isgalnay oo Shaydaan naga adeegtay,kadibna Niyad wanaagooda ayay kusoo afmeerantay dhacdadaas.

Maanta Ganacsatada iyo haldoorka kale Cumar Maxamuud Gobanimay ku maraan ,kuna joogaan Deegaamadaas.

Waa in aan mar danbe iska uruurinaa Beeshaas Qalbiga wanaaga na tustay.

Islaan Bashiir waa ku bogaadinayaa in uu muujiyay in uusan ahayn Isin geli kara Jeebka Aaran-Shaydaan.

Jibril Qoobey.