Dhismaha Golayaasha Degmooyinka Ee 3-da ah oo la dhaqaajinayo

Garoowe: 13 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Kulanka ayaa looga hadlay dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyo sidoo kale dardargelinta Doorashada in laga qabto degmooyinka kale ee Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka cusub ee Guddiga Doorashooyinka TPEC, Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid , Guddoomiye Ku-xigeen Mudane Cali Jaamac Faarax, xubnaha kale ee Guddiga iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in Guddiga Doorashadda lagala shaqeeyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo laga wada hirgelinayo dhammaan degmooyinka Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND