Faallo”Bosaso waa mudan tahay in Qoondo gaar ah loo sameeyo!!

Fadhiga Baarlamaanka Puntland oo loo wareejiyo Bosaso waa mid kamid ah talaabooyinka ku filan qaybinta awooda iyo masuuliyadaha nidaamka Fadaraalka ee aan hormuudka unahay.

Sidoo kale Hay’adaha aan Dowliga ahayn oo qayb dib loogu celiyo Bosaso waa shaqo abuur iyo kor uqaadid dhaqaalaha Bulshada Gobolka.

Qoondo loo sameeyo horumarinta Gobolka,gaar ahaan Magaalada Bosaso,waa wax weyn oo laga qabtay baahiyaha jira.

Bosaso xaqiiqdii dayac dhan walba ah,ayaa ka muuqda oo mudan in loo istaago.

Dhamaan Qodobada ay soo saareen Isimadu waa kuwo waaqiciya oo ay ahayd in horayba loo hirgaliyo.

Nidaamkii Fadaraalka ee reer Puntland hormuudka u ahaayeen,ayaa dhigaya in awooda iyo dhaqaalaha la qaybsado lana gaarsiiyo ilaa heer Tuulo.

W Q.Jibril Qoobey.