Kulankii Golaha Wasiirada Puntland oo qabsoomay

Garoowe: 13 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay Amniga, Dhameystirka nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo qabashada Doorashadda Golaha Shacabka ee DFS.

Dowladda Puntland waxaa ka go’an dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxaana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Doorashadda ee degmooyinka kale ee Puntland.

“Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Hay’addaha Dowladda ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo. Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND