Waa kuma Gudoomiyaha Bari Ee la magacaabay?

Shaahdoon Cali Yare,waa Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari oo uu magacaabay goor dhawayd Madaxweyne Deni.

Shaahdoon,waxaa dhalay Ganacsade miisaan weyn lahaa oo la oran jiray Cali Yare rabi ha’unaxariisto.

Cali Yare,waxuu ahaa Ninkii ugu horeeyay ee Cabdullaahi Yuusuf markii Xabsigii Adis-ababa uu kasoo baxay udira Dhaqaale kuna yiraahda Dalkii gaar xaalad adag baa jirtee.

Shaahdoon,waa Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga Puntland,isla markaana mar isku soo taagay jagada Madaxweyne xigeenka Puntland oo uu kula tartamay Gaagaab.

Madexweyne Cabdullaahi Yuusuf,ayaa xili sidaan oo kale xaalka Bari u adag yahay umagacaabay Wasiirka Kaluumaysiga Shaahdoon.

Waxaan urajaynayaa shaqo wacan iyo furdaamin xaalka adag.

Jibril Qoobey.