Waa Noocee Saaxiib-tinimada Madaxwayne Saciid Deni?

Waa Noocee Saaxiib-tinimada Madaxwayne Saciid Deni?

Alle ha u naxariisto adeer Gen Khaliif Ciise Mudan wuxuu ahaa saaxiibka ugu dhow Madaxweyne Deni isla markaana ahaa Halyeey ay aad Puntland u tabtay oo kasoo gudbiyay caqabado badan xukuumada Deni balse abaal gudkiisii noqday sidan.

1.In booskii marxuumku ku magacaabnaa Senior Advisor of the president lasiiyo madaxweynaha walaalkii iyadoo ay wiilashii marxuumku joogaan xaqna u lahaayeen in lagu samirsiiyo.

  1. Sunrise handling company of Bossaso Airport oo uu marxuumku lahaa mudo dheer iyadana qoyska madaxweynuhu qaatay iyada oo qandaraaskii ka dhamaan shirkada.
  2. Sidoo kale Mudan Cargo and Shipping Company oo uu marxuumku lahaa ayaa iyadana uu la wareegay madaxweynahu kana saaray gacanta agoonta.
  3. Wuxuu hada uu dul dhigay agoontii Marxuumku ka tagay lacag dhan $160,000 kadib markii 60 containers oo uu dhigay markabkii Khaliif Ciise dekada Bossaso mudo sanad iyo dheeraad ah kahor uguna soo laaban kari waayay ciida buux dhaafisay ee caqabada ku noqotay shaqadii Dekada Bossaso ayaa hada la rabaa in lagu xalaalsado sidii loo qaadan lahaa 60 kaa koonteenar.

Osman Mohamud Adde.