Video:-Ganacsatada Qaadka Qardho oo ka cabanaya Wiilka Madaxweyne Deni

Waa dhab in Qaadka Puntland yimaada loo xiray Wiilka Madaxweynaha iyo Xildhibaanka Jifida Madaxweynaha.

Maalinkii celcelis ahaan,waxay ka faa’idaan 24000 oo dolar.

Qaadkaas,waxaa ku noolaa Dad fara badan oo reer Puntland ah oo Nolol maalmeedkooda ka heli jiray.

Balse hada lumiyay fursadihii ay ku dabaran jireen Noloshooda.

Diyaarado dhawr ah,ayaa Qaadka keeni j8ray Puntland,kuwaasoo kasoo degi jiray garoomo kala duwan.

Haatan,waxaa lagu soo koobay hal Diyaarad oo u kiraysan Cabdullaahi Siciid Deni,Hal Garoon oo ah Garowe iyo Hal Xaafiis oo keeni kara Qaadka,kaasoo ay wada leeyihiin Wiilka Madaxweyne Deni iyo Xildhibaan Xaamud oo Deni ay Ilmo Adeer hoose yihiin.

Markii Dowladnimada loo maalgashto sida Ganacsiga,waxaa yimaada in loo maalo sidii Shirkad gasr loo leeyahay lana ilaawo danihii guud iyo wax wada lahaanshihii Umadeed.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://fb.watch/axk6I3TJYv/