Maraykanka oo sii daynaya Maxbuus Somali ah oo u xirnaa 17-sano

Dawladda Maraykanka ayaa ugu dambayn ogolaatay in xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla gasiiradda Cuba laga sii daayo Maxbuus Soomaali ah oo halkaa ku xirnaa in ka badan 17 sanadood.

Guuleed Xasan Duraan, oo 47 jir ah, islamarkaana aan marna maxkamad la soo taagin, ayaa lagu wadaa in xabsiga laga sii daayo 20-ka bishan Jannaayo, kaddib halgan ay muddo dheer qoyskiisu wadeen.

Waxay sii dayntiisu Sumad u tahay 20-guurada kasoo wareegtay furitaankii xabsiga Guantanamo Bay, oo loogu tala galay in lagu xiro dad badan oo uu Maraykanku ku tilmaamay inay argagixiso yihiin, balse qaar badan la iska soo qabtay wax dembi ahna aan lagu caddaynin.

Duraan isaga waxaa laga qabtay dalka Jabuuti sannadkii 2004-tii isagoo lagu eedeeyay inuu xiriir howlgal la lahaa Al-Qaacidada Afgaanistaan.

Marka laga soo tago ninkan Soomaaliga ah, waxaa sidoo kale uu MW Maraykanka ee Joe Biden la sii daynayaa oo uu fasaxay 4 maxbuus oo kale oo kala ah; saddex Yemeni ah, mid Kenyaan ah.

Waxay iyaguna kala siman yihiin in aan midkoodna laguma soo oogin wax dembi ah, tiiyoo loo sheegay in lagu tuhunsan yahay argagixisanimo ayna muddadaa dheer tuhunkaa uun u xirraayeen.

WQ.Abdirisak Juba