Maxay Itoobiya ugu dhagan tahay Madaxa Hay’ada Caafimaadka Aduunka?

Dowladda Itoobiya ayaa warqad u dirtey hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO), iyadoo ku eedeysay aggaasimaheed guud, Tedros Adhenom Ghebreyesus inuu ku kacay “anshax xumo”, kadib dhaleeceyn xooggan oo uu ujeediyey colaadda iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira gobolka Tigray

Tedros ayaa afar sano kahor magaca Itoobiya ku helay xilka uu ka hayo WHO, laakiin waxa ay Addis Ababa sheegtay “inuusan kasoo bixin daacadnimadii iyo filashadii xirfadeed ee loogga baahnaa xafiiskiisa,” iyadoo dowladdu ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku hayo arrimaha gudaha e Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Tedros uu faafiyey macluumaad khaldan, isagoo wax u dhimey “sumcadda, madax banaanida iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda caafimaadka adduunka (WHO).”

WHO ma aysan bixin jawaab ku aaddan eedeynta loo jeediyay madaxa ugu sarreeya.