Puntland oo shaqada ka joojisay Laba Iskuul oo Gaalkacyo ka dhisan

Go’aan Wasaaradeed”


Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ahna kusimaha Wasiirka Waxbarashada, markii uu arkay xogihii ka soo baxay kormeerkii loo diray magaalada Gaalkacyo wuxuu soo saaray:

  1. In la xiro labada dugsi sare ee kala ah Somali International iyo Cabdullaahi Yuusuf oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo maaddaama dugsiyadaas ku kaceen nidaam baalmarsan hannaanka waxbarashada dowladda Puntland, laguna dhuminayo ubadka reer Puntland.
  2. In caddaaladda la horkeeno mulkiilayaasha, maamulayaasha iyo cid kasta oo qayb ka ah burburinta nidaamka waxbarashada dowladda Puntland.

Hoos ka daalaco Go’aamadii kasoo baxay Xafiiska Wasiiru-dowlaha.

Halkan ka akhriso Go’aamada:-