Maraykanku ma aqbali doonaa la kulanka Aamiin Xaaji Khayr?

Aamiin Xaaji Khayr majirto Dowlad aqbalaysa in ay wada shaqayn la yeelato.

Maamulka Deni ee hada haya talada Puntland ma heli doono Dowlad kale oo garab ka siisa la dagaalanka argagixisada.

Sababtoo ah Aamiin,waxuu toos xogaha uga iibsadaa Shirkad degan Imaaraadka oo Qandaraas ka haysata Sirdoonka Ingiriiska.

Maraykanku cida uu wax udirsanayo waa iska soo baaraa,sidaas awgeed waa yaqaan Aamiin ka badan inta Deni yaqaan.

Maraykanku,waxuu haystaa Ciidan uu ku kalsoon yahay oo uu yaqaan,tababartay oo gacanta uu ku hayo,mana jirto sabab uu ugu wareego adeege u adeega Qolo iyaga usii adeegta.

Aamiin,waxaa looga yeeray Garowe si uu ula kulmo wafti Maraykan ah oo ay ku jiraan Safiirka cusub iyo Talyaha Africom.

Waftiga Maraykanka,ayaa la filayaa Todobaadkan in uu yimaado Puntland.