Ragii naqshadeeyay weerraradii 9/11’ oo la Maxkamadaynayo

Volunteers search a building that collapsed after an earthquake, in the Roma neighborhood of Mexico City, Tuesday, Sept. 19, 2017. A magnitude 7.1 earthquake has rocked central Mexico, killing at least 55 people as buildings collapsed in plumes of dust and thousands fled into the streets in panic. (AP Photo/Eduardo Verdugo)

Waxaa la muddeeyay waqtiga la maxkamadayn doono Khaalid Sheekh Maxamed, oo ku eedaysan inuu yahay ninka naqshadeeyay weerraradii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday.

Mr Maxamed ayaa waxaa lala maxkamadayn doonaa afar nin oo kale, kuwaas oo maxkamadayntoodu ay 11 bisha Janaayo 2021 ka dhici doonto maxkamad milateri oo ku taal Guantánamo Bay.

Raggan ayaa waxa ay ku eedaysan yihiin inay galeen dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin argagixisanimo iyo dilka ku dhawaad 3,000 oo qof.

Raggan shanta ah ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee maxkamad la keeno ku dhawaad 20 sanadood kaddib markii ay dhaceen weerraradii burburka badan gaystay ee lagu qaaday New York, Washington iyo Pennsylvania.

Haddii lagu helo dambiga kooxdan waxa ay wajahayaan dil.

Khaalid Sheekh Maxamed ayaa waxaa 2003 laga soo qabtay waddanka Pakistan, waxaana lagu soo wareejiyay saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Guantánamo ee dalka Cuba halkaas oo markii dambe eedaha loogu soo jeediyay.

Hasayeeshee iskudayada ah in ninkan la maxkamadeeyo iyo kooxda kalaba ayaa waxaa hareeyay dib u dhac.

Iskuday hore oo lagu doonayay in lagu horgeeyo maxkamad milateri sanadkii 2008, ayuu sheegay inuu doonayo inuu qirto dambiga uuna soo dhaweynayo shahiid noqdo.

2009 maamulkii Obama oo ballanqaaday inuu xiraayo Guantánamo, ayaa iskudayay inuu maxkamadaynta u wareejiyo magaalada New York hasayeeshee go’aankaas ayuu dib uga laabtay 2011 kaddib markii Kongareesku uu arrintaasi ka soo horjeestay.

Shantan ragga ah ayaa waxaa ugu dambayntii eedo lagu soo oogay bishii Juun 2011, eedahaas oo la mid ah kuwii lagu soo oogay waqtigii maamulkii George W Bush.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa hore u sheegay in Khaalid Sheekh Maxamed uu qirtay in “min bilow ilaa dhammaad” uu mas’uul ka ahaa weerraradii 9/11.

Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa ninkaas ku eedeeyay inuu ku lug lahaa arrimo argagixiso.

Eedahaasi waxaa ka mid ah in 2002 uu bambooyin la dhacay goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taal magaalada Bali ee dalka Indonesia; weerraradii bambooyinka loo adeegsay ee 1993 lagu qaaday Xaruntii Ganacsiga Adduunka; dilka weriye Ameerikaan ah oo lagu magacaabi jiray Daniel Pearl; iyo iskuday dhicisoobay ee 2001 la doonayay in lagu qarxiyo diyaarad iyadoo la adeegsanayo bam kabo lagu farsameeyay.

Dhageysiga dacwadaha soo socda ayaa waxaa la qorsheeyay bisha soo socota.

Qareennada kooxdaasi ayaa isku dayay inay laalaan in la isticmaalo markhaati kac ay eedaysanayaashu FBI-da u sheegeen 2006.

Waxa ay ku doodayaan in qirashada dambiyada aanan maxkamad lagu isticmaali karin sababtoo ah waxa ay ku yimaadeen baaritaan adag oo raggaasi lagu sameeyay intii ay xirnaayeen.

Khaalid Sheekh Maxamed ayaa waxa uu ku andacooday in si joogta ah loo jir dilay intii lagu hayay Cuba.

Dikumintiyo CIA-da ay leedahay ayaa muujinaya in ninkaasi 183 jeer lagu bartilmaameedsaday habka quusinta, ee loo yaqaan biyo ku qarqinta.

Ragga kale ee afarta ah – Walid bin Attash, Ramzi bin al-Shibh, Ammar al-Baluchi iyo Mustafa al-Hawsawi – ayaa sidoo kale waxa ay CIA-da su’aalo ku waydiiyeen xabsi ku yaal dibadaha oo loo yaqaan “black sites,” ka hor inta aanan lagu wareejin milateriga Mareykanka.