Faahfaahin Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Afar Qof,ayaa dhintay ku dhawaad 10 kalena wey ku dhaawacmeen kaddib markii uu galabta naftii halige isku qarxiyay makhaayad Shaah laga cabo oo ku taalla ka soo horjeedka Xerada tababarada Ciidanka Xoogga dalka ee Jenaraal Dhaga-badan ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo Ciidamada Booliska Somaliya,ayaa gaaray goobta kuwaas oo gurmad u sameeyey dadkii waxyeellada ka soo gaartay

Nawaaxiga uu qaraxan ka dhacay ayaa lagu soo warramayaa in hadda ka hor uu ka dhacay weerar ka mid ah kan maanta dhacay.

Ururka Al-Shabaab ayaa markiiba sheegtay mas’uuliyadda weerarka.