Hiigsiga 2040 Ee Puntland waxaa ka horeeya maaraynta 2022!!

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda daah-furaya Hiigsiga Puntland 2040, oo maanta lagu soo bandhigay Madaxtooyada Puntland

Shirkan oo ay Dadka ugu badan ee ka qaybgalay ay ahaayeen Wasiirada iyo Agaasimayaasha Dowlada,ayaa Dad badan u arkaan mid ii dheh ah oo aan macno badan soo kordhinayn.

Iyadoo 2022 lagu fashilmay maaraynteeda in 2040 loo hanqal taago waxay umuuqataa in Bulshada laga mashquulinayo xaalka cakiran ee Dalka.

Sidoo kale hiigsiga 2040 saw mashquulin mahan Bulshada laga mashquulinayo Boobka Kuraasta Golaha Shacabka Fadaraalka ee sida xuduud dhaafka ah ay uboobayaan Aaran-Shaydaan.

Hadii Amnigii lagu fashilmay!!

Hadii Dimuqraadiyadii lagu fashilmay!!

Hadii Siyaasadii gudaha lagu fashilmay!!

Hadii Siyaasadii dibada lagu fashilmay!!

Hadii Ilaa iyo hada wax Mashruuca aan la hayn!!

Waa maxay Hiigsiga la tilmaamayaa??