Maxuu daaran yahay socdaalka Muuse ee Adis-ababa?

Tagida Muuse Biixi ee Adis-ababa waxay ku salaysan tahay qorshaha Itoobiya ee Seylac.

Guurti iskugu jirta Beelaha Godeybiirsay iyo Ciise oo gaaraya in ka badan Boqol,ayaa Adis ujooga ogolaansho ay Itoobiya ugu saxiixayaan in ay Deked ka dhisan karto Seylac.

Abiy toos,ayuu ugu gacan dhaafay Muuse Biixi Beelaha Godeybiirsay iyo Ciise,waxuuna rabaa in uu awood Ciidan geliyo halkaas,isagoo ka dhiganaya jidmar Saxiixii Farmaajo ee Afarta Dekadood iyo kan Odoyaasha Deegaanka Seylac.

Muuse Biixi,waxaa horyaala ciyaar adag oo ubaahan aragti iyo Diblomaasiyad.

Itoobiya oo Shiinaha iyo Ruushku dabada ka riixayaan waxaa ka go’an in ay ka hesho Xeebaha Somaliya Deked ugu yaraan ay ku qabsato heshiis macmal ah.

Muuse ma awoodi doonaa in uu xakameeyo Beelahiisa,isla markaana hakiyo hamiga Itoobiya ?

Jibril Qoobey.