Deni waa ka shalayn doonaa dhisida Axmed Taajir!!

Deni,isagoo ka cararaya Rag abaal ku leh oo uu yaqaan waxay galaan,qadiyadooda iyo balankooda soona garab istaagay Labadii Sano ee udanbeeyay,ayuu u geli doonaa Dhurwaayo Yuur-yuurura.

Axmed Taajir waa gacanta Midig ee Fahad Yaasiin.

Si kale hadii loo dhigo waa Sodogiis oo Gabadha Fahad qabo waxaa dhashay Axmed Taajir Walaashiis.

Waliba waa Xidid dhanka Siyaasadana iskaga xiran oo hawlo fara badan wada fuliyay.

Waxaa udanbeeyay Shirkii Goldogob oo Lacag gaaraysa Nus Milyan Dolar oo Fahad usoo dhiibay lagu kharash gareeyay.

Axmed waa Nin mowqifkiisu cadaa Sanadihii ugu danbeeyay si cadna udiidanaa Fadaraalisimka iyo Puntland.

Saakay in Subag lasoo mariyo oo Deni looga soo dhigo Suxubo Ibraahim,iyadoo lagu tubanayo Rag la yaqaan Qadiyadooda Fadaraalisimka iyo Puntlandernimadooda,waa nasiib daro.

Deniyow beri ha cabaadin ee Maanta ka fiirso dhisida Axmed Taajir!!

Xildhibaan Indhoceel kuma filna xakamaynta Axmed Taajir!!

Jibril Qoobey.