Video:-Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Fadaraalka

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa garoonka diyaaraha Kismaayo kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka dadban ee heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafti uu hogaaminayay.

Gudoomiyaha Guddiga FEIT iyo xubnaha kale ee lasocda ayaa Kismaayo u yimid sidii ay xog ogaal uga noqon lahaa doorashada Kuraasta lixda ah ee ay xalay shaaciyeen SEIT Jubbaland iyo sidii uu kulamo kala duwan oo lagu dardargalinayo howlaha shaqo ee doorashooyinka ula qaadan lahaa xubnaha Guddiga seit Jubbaland.

Halkan ka daawo muuqaalka