Wasiir ku xigeenka Haweenka Puntland oo ka hor timid aragtida Wasiir Dhabancad

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha qoyska ee Dowlada Puntland Sahra-Kiin Cabdi Xirsi,ayaa kasoo hor jeensatay taladii uu Wasiirka Arrimaha gudaha kusoo jeediyay in la badiyo taranka.

Wasiirka,ayaa dhawaan sheegay in Puntland ay dhul ballaaran heysato ayna tahay in tirada dadka la badiyo si dhaqaalaha iyo kobaca Puntland uu sare ugu kaco.

“Waxaan leeyahay fakirkaas ma ahan mid aan soo dhaweynayo xilligaan, waxaana leeyahay hala gaaro xilliga ay bulshadeena wax badan fahanto oo aqoonta iyo dhaqaalahana sidaan iska baddalaan midda kale arrinkan ma ahan arrin aniga iyo wasiirkaba inoo yaalla waa arrin shakhsi ah.”

“Qofka waa xor oo ra’yiga uu rabo ayuu ku dhaqaaqi karaa balse waxaa jira waxyaabo badan oo ka fiican oo noogala baahan yahay inaan bulshada kula talino oo ka mid yihiin in qoysaska la ilaaliyo, caruurta ay barbaarin fiican helaan oo ay aqoon helaan oo diinta lagu ababiyo,” ayay tiri wasiir Sahro.

Dad badan,ayaa jawaabta Wasiirada ku raacay una arkay aragtida Wasiir Dhabancad mid aan waaqici ahayn oo aan ku fadhiyin Cilmi baaris rasmi ah.

Aragtida Dhabancad waxay ka turjumaysaa in Qorshaha Hiigsigs 2040 ee Dowlada Deni lasoo shirtagtay uu yahay waxaan la fiirsan oo aan ku fadhiyin,Cilmi baaris,Qorshe iyo Waaqici.

Halkan ka dhagayso Codkeeda

https://fb.watch/aDUwI94w4K/