Garowe:-Shil Gaari Oo dhaliyay Geeri fara badan

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay shil ka dhacay jihada Bari ee magaalada Garowe.

Shilka,ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay laba ruux halka ay ku dhaawacmeen Afar kale.

Marxuum Maxamed Cabdikariin Cumar oo ka tirsanaa Madaxtooyada Puntland ayaa kamid ah Labada Qof ee ku dhintay shilkaas.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee Garowe halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacyada.