Maxamuud Shido oo ka hor yimid in Deni aqbalo Go’aanka Isimada

Maxamuud Shido,ayaa diiday in Madaxweyne Deni ogolaado go’aankii Isimada si waadixa.

Waxuu soo jeediyay in si hoose loo aqbalo heshiiska,isla markaana Nabadayn hoose lala saxiixdo Isimada.

Maxamuud Shido,waxuu Deni usheegay in uu ka dhigo khilaafka PSF mid Beeleed oo Cismaan Maxamuud ka dhaxeeya una soo raro wada hadalka Qardho.

Hadii kalena uu hoos udhigo kana aamuso,sidaana Xamar ku aado.

Ujeedka Maxamuud Shido,ayaa ah in aan Isimada iyo Madaxweynuhu heshiis dhaqangal ah kala saxiixan oo taariikhda geli kara.

Waxuuna Deni kula dooday in uu Xamar aadayo hadhowna heshiiskan haduu Waadix noqdo iyaga caqabad ku noqonayo oo PSF helayso sharciyad ay Dowlada Puntland aqoonsan tahay.

Maxamuud,waxuu qabaa in PSF iyo iyaga uu ka dhaxeeyo dagaal weyn oo mar walba ay khasab ku noqon doonto in ay dagaalamaan.

Madaxweyne Deni,waa aqbalay go’aanka Isimada,wuuna la hadlay,waxaana balanku ahaa in uu shaaciyo aqbalaadiisa,kadibna Bosaso tago oo lasoo afjaro khilaafka.

Balse taasi,waxay umuuqataa in aysan dhici doonin oo Mulkiiluhu ka hor yimid.

Jibril Qoobey.