Taariikhda Degmada Bender Beyla

Degmada Bender-Beyla wuxuu soo degitaankeedu bilowdey xili haatan laga joogo 400 oo sanno, waxeyna magaaladdu aheyd meel xeeb ah oo dad ajnabi ah oo Yamaniyiin iyo Cumaaniyiin kaluumeysato ahi degenaayeen, waxase dhanka soomaalida degitaan ugu horeeyey nin la oran jirey Cabdi Yuusuf.

Xilligii Boqor Cismaan oo ku aadan dabayaaqadii qarnigii 19-aad iyo horaantii qarnigii 20-aad waxa degmadda B/beyla Duq Magaalo u ahaa Samantar Cabdi oo ahaa nin dulqaad badan, guddoon adag isla markaana diinta islaamka aqoon fiican u lahaa.

Xilliga deyrta oo dabeyshu tahay Mansoon koonfureed ayay doonyuhu u dhoofi jireen suuqyadda sawaaxilka ee Mombassa iyo Zinzibaar waxeeyna sii mari jireen Hobyo, Muqdisho, Baraawe iyo Kismaayo, waxeeyna ka soo iibsan jireen Galeyda, Caleenta Shaaha, Bunka Qaxwaha IWM. Sidaasoo kale bey doonyuhu xilliga Gu’ga waxeey u dhoofi jireen Ardul-Carab, Hindiya iyo Iiraan iyadoo safaradaasi muddo qaadan jireen waxeyna dhoofin jireen Caw, Dermooyin,Subag, Hargo, Libaax baddeed, Dhego Libaax, Saafan, Taraaqad IWM, waxeeyna keeni jireen Cuntooyin, Timir, Galey, Dhar IWM.

Sharmarke Abshir.