Video:-Beelaha Waqooyi oo iskaga baxay Doorashada

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, siyaasiyiin iyo odeyaal dhaqameed kasoo jeedo Somaliland oo maanta Muqdisho ka hadlay ayaa dalbaday in la hakiyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee dhowaan la shaaciyay in Muqdisho lagu dooranayo, iyagoo ku eedeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen rooble inuu faragelinayo doorashada.

Sidoo kale Boqor Buurmadow,ayaa ka hadlay Shirka jaraa’id si weyna udhaleeceeyay Rooble,kuna dhawaaqay in ay iskaga baxeen Doorashada haday Reer Waqooyi yihiin.

Doorashadu waxay noogu socotay si habsami leh oo waxaa iskula eegi jireyna sida ay beeshu xildhibaanadeeda u soo dooraneyso, maalmahan dambe waxaa dhacday in waxyaabihii aan u gudbinay beel ahaan uu wax is daba-weydaariyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,”Ayuu yiri Boqor Buurmadoow.

“Waxaa u cadeynayna cid walba in aan doorashadii faraha kala baxnay oo uu maamulanayo Ra’iisul Wasaaraha, oo aan laheyn hanaan dowladeed oo sharfan.”Ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Halkan ka daawo muuqaalka