Kenya oo noqotay Dalkii Labaad Ee ka hor yimaada Ictiraaf raadinta Gobolada Waqooyi

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqanto sidii qayb ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya.

Raychelle Omamo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi ah in loo aqoonsado dal madax-bannaan.

kenya waa Dalkii Labaad oo Todobaadkan cadeeya mowqifkiisa kala jarida Jamhuuriyada Somaliya.

Toddobaadkii hore ayay Dowlada Uk cadaysay in Aqoonsi ay helaan Gobolada Waqooyi ee Dalka uu ku xiran yahay Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Waxay umuuqataa in Caalamku uusan danaynayn kala goynta Somaliya.