Maxay ku salaysan tahay booqashada Itoobiya Ee Generalka Labaad ugu awooda badan Sudan?

Hoggaamiyaha labaad ee ugu awoodda badan Sudan oo Sabtida maanta ah booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay wasiirka gaashaandhigga Ethiopia, waxayna booqashadan naadirka ah ay imanaysaa iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xuduudda u dhaxeysa labada dal, sida ay saraakiishu sheegeen.

Mohamed Hamdan Daglo, oo loo yaqaano Hemeti, oo ah ninka labaad ee golaha talada haya ee Sudan, ayaa Ethiopia joogi doona muddo laba cisho ah si uu ula kulmo “dhowr sarkaal oo Itoobiyaan ah”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sudan ee SUNA.

Waxaa ay garoonka diyaaradaha ku kulmeen wasiirka difaaca ee Ethiopia Abraham Belay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray golaha ka taliya Sudan. Waxaa sidoo kale soo dhoweeyay saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda iyo nabadsugidda Ethiopia, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Daglo ayaa ah madaxa ciidamada Rapid Support Forces (RSF), oo ah ciidan si weyn looga baqo aadna u awood badan, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysteen gobolka Darfur ee galbeedka Sudan.

Xiriirka u dhexeeya Khartoum iyo Addis Ababa ayaa waxaa xumeeyay colaad dhuleed ka taagan aagga lagu muransan yahay ee gobolka xadka ku yaalla ee Al-Fashaqa, halkaasi oo beeralay Itoobiyaan ay abuurtaan beeraha dhul ay Sudan sheeganeyso.

Sanadihii u danbeeyay ayaa waxaa dhacay dagaalo goos-goos ah oo u dhexeeyay labada dhinac kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Al-Fashaqa ayaa sidoo kale xuduud la leh gobolka ay dagaalladu ka socdaan ee Tigray ee Ethiopia, iyadoo tobonaan kun oo Itoobiyaan ah oo dagaalka ka cararaya ay u qexeen dhinaca Sudan.

Bishii November, ciidamada qalabka sida ee Sudan ayaa sheegay in lix askari looga dilay weerar ay qaadeen kooxo hubeysan iyo malayshiyaad ku xiran ciidamada Ethiopia, iyadoo warbixintaasi ay beenisay Addis Ababa oo taa bedelkeeda weerarkaasi ku eedeysay jabhadda gobolka Tigray.

Sudan, iyo Masar ayaa sidoo kale waxaa muran xooggan uu kala dhexeeyaa Ethiopia kaasi oo ku saabsan biya-xirenka weyn ee ay ka dhisayso Wabina Niilka Buluugga ah.

Labadan dal ayaa ku tiirsan biyaha wabiga, waxayna u arkaan biyo-xireenka Ethiopia dhiseyso khatar xoogan.

Khartoum iyo Addis Ababa ayaa labadaba waxaa ka aloosan qalalaase.

Sudan ayaa waxaa ruxay mudaaharaadyo waaweyn oo toddobaadyo socday, soona bilowday 25-kii October oo ay ciidamadu talada la wareegeen, taasi oo meesha ka saartay kala- guurkii lagu doonayay in xukun rayid ah dalkaasi uu ka hergalo, waxaana la dilay ugu yaraan 73 qof oo ka soo horjeeday afgenbiga ay ciidamadu sameeyeen.

Ethiopia ayaa iyana wali doonaysa in ay soo afjarto dagaalka bilowday bishii Novembar ee 2020-kii, ka dib khilaaf bilo socday oo u dhexeeyay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xisbigii maamulayay gobolka Tigray ee TPLF.

Dagaalka ayaa waxaa ku qaxay malaayiin qof, iyadoo ay Qaramada Midoobay qiysaaseyso in boqolaal kun oo qofna ay ku qarka u saaran yihiin xaalad macluul ah.

AFP