Muuse miyuu ogolaaday Deked Seylac looga dhiso Itoobiya?

Muuse waa diiday in uu saxiixo Deked Itoobiya looga dhiso Seylac oo Afka ku haysa Xuduuda Oromada Itoobiya ee Jamhuuriyada Somaliya.

Waxaa la hor dhigay Saxiixii Farmaajo iyo midkii Odoyaasha Beelaha Gudabiirsey iyo Ciise ee ogolaanshaha Dekedaas.

Waxaa kaloo loo sheegay haduu ka hor yimaado danaha Shacabka Itoobiya in aysan jiri doonin wax ku khasbaya Itoobiya in ay dhankeeda ilaaliso Sxb-tinimada SL.

Sida xoguhu sheegayaan Muuse waa ku adkaystay diidmadiisa,waana udabci waayay baqdin gelinta ahayd in Maamul gaar ah oo ay dhistaan Beelaha Awdal iyo Salal lagu garab istaagi doono.

Isla maalinkii Muuse soo laabtay,waxaa Adis lagu casumay Cabdiraxmaan Cirro,waxaana xogo laga helayo kulamadii dhexmaray isaga iyo masuuliyiinta Dalkaas sheegayaan in la hor dhigay dalabkii Muuse oo kale,loona sheegay haduu aqbalo in Itoobiya ka garab siin doonto Doorashada.

Lama oga si dhab ah in uu aqbalay iyo in kale Cabdiraxmaan Ciro dalabka Itoobiya.

Dowlada Itoobiya oo ay gadaal ka riixayaan Shiinaha iyo Ruushka,ayay ka go’an tahay in ay hesho Seylac oo Deked ah.

Socdaalkii Muuse ee Adis,waxaa kaloo kasoo baxaya warar sheegaya in lagala hadlay arimo ay ka mid yihiin…

1.Saraakiil Tigree ah oo martay Somaliland.

2.Xiriirka Taylaan ay Somailand la bilowday

3.Farmaajo iyo Muuse oo markale Adis lagu kulan siiyo.

Su’aashu waxay tahay SL maka dabaalan kartaa hirarka Siyaasada Geeska soo wajahay hadaysan helin garabka Somalida kale?

Jibril Qoobey.