Muxuu Wasiir Bidhaan kaga duwanyahay mas’uuliyiinta Federaalka Ee ku hungoobay Puntland?

Wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa maanta markale xildhibaan loogu doortay magaalada Garoowe, wuxuuna noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyay ee heer gole wasiiro federaal ah oo xildhibaan loogu doortay Puntland, marka laga hadlayo doorashadan hadda socota ee Golaha Shacabka.

Mas’uuliyiin iyo wasiirro kale oo heer federaal ah ayaa sheegay in laga hor istaagay ama caqabado aysan ka gudbi karin loo dhigay kadib markii ay kuraas u doonteen Puntland, waxaana ka mid ah wasiirka duulista hawada Sare Mudane Duraan oo dhowaan warbaahinta la hadlay.

BBC-da ayaa Wasiir Bidhaan weeydiisay sababta uu ugu malaynayo in uu kaga duwanyahay mas’uuliyiinta kale ee heer federaal ee Puntland kasoo bixi waayay, wuxuuna sheegay in dadka ay kala duruufo yihiin, isaga oo u mahadceliyay beeshiisa iyo waxuu ku tilmaamay kalsoonida lagu qabo.

Mar la weeydiiyay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash uu culees siyaasadeed dul dhigay kursiga Bidhaan, ayuu Bidhaan sheegay in arrinkaasi aysan waxbo ka jirin.