Ugaaska Dishishe oo la fuliyay dalabyadiisii

Ugaaska Beesha Dishishe,ayaa la fuliyay dalabkiisii ahaa in Wasiirka,Wasiir ku xigeenka iyo Xildhibaan Fadaraal ah loogu dhiibo Dad uu wato.

Wasiirka,waxaa looga dhigay Axmed Yaasiin oo ka mid ah Ganacsatada Hubka,horayna Dowlada ku taageeray Rasaas fara badan.

Axmed sidoo kale,waxuu uhanqal taagayay Kursiga Xildhibaan ee Jurille usharaxan yahay.

Wasiir ku xigeenka,waxaa looga dhigay Xasan Cabdille oo horay usoo noqday Duqa Magaalada Bosaso.

Sidoo kale,waxaa loo fulinayaa dalabkiisa ahaa in Jurille uu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka Fadaraalka ah.

Fulinta dalabka Ugaas Xasan,waxay fariin utahay Isimada kale ee ay hadaf wadaaga ahaayeen.

Isimada Bari ee soo jireenka ah,ayaa leh Midow xoogan oo aan la loodin karin.