Video:-Maxay Libin ah oo ay dhashay dhismihii Puntland?

Puntland dhismaheedii waa lagu baraaray oo waxay keentay nidaam Somaliya dib ay iskugu soo laabatay kadib.burbur Dowladnimo iyo kala tag fogaaday.

Gobolada Waqooyi oo farabaxsi ahaa,waxay Puntland keentay xarig lagu xakameeyo.

Caasimadii halka Magaalo ahayd ee laysku dulmiyayna,waxay Puntland keentay nidaam looga badbaado.

Sidoo kale Puntland Beesha Daarood oo 1991 uu gaaray maqaamkeeda iyo saamaynteeda heerkii ugu hooseeyay Abid dib ayay usoo saartay masraxa Siyaasada.

Daarood,waxaa looga adkaaday gacantii ugu horaysay ee colaadihii sokeeye,dhan waxaa lagu shubay Xuduuda Kenya,dhanka kalana,waxaa laga qabsaday Gaalkacyo,dhanka Sool,waxay ku khasbanaadeen,iyagoo baqaya in ay saxiixaan Siyaasiyiintii iyo Garaadadii ugu miisaanka cuslaa Dastuur Dalka kala jaraya oo aysan waxba ku darsan.

Dhanka Siyaasada,waxaa la gaarsiiyay in Shirarkii dib uheshiisiinta si cad loogu sheego in aysan qaadan karin Madaxweyne iyo Ra’isalwasaare oo ay uqalmaan Wasiirada Amniga iyo waxii la midka ah.

1998-dii dhismihii Puntland kadib Daarood dib,ayuu usoo kabtay Siyaasiyan iyo Milatariba.

Puntland Tuulooyinkii cidlada ahaa ee loo yaqaanay Gaariwaagana,waxay ka dhigtay Caasimado leh Garoomo caalami ah.

Falaarta ceebeed uu ku taagan Maanta,waa Laascaanooda ku jirta gacan aan Daaroodkii lahaa ahayn!!!

Puntland qiimo gaar ah ayay noo leedahay,lagumana kaftami karo.

Halkan ka daawo muuqaalka