Khatarta ugu weyn yaa kala kulmi kara dib U dhiska Ciidamada Itoobiya?

Tan iyo horraantii 1990-meeyadii, Itoobiya ma lahayn Ciidamo Badeed oo shaqeeya, inkastoo waddanka uu horay u lahaa awood Ciidan oo dhanka Badda ah.

Si ay xukuumadda Addis Ababa dib ugu yagleesho Ciidankeeda Badda,waxa ay u baahan tahay Dalal ka caawiya.

Faransiiska,ayaa umuuqda in uu yahay Waddanka 1-aad ee garabka ku siinaya tababarrada iyo qalabeynta Ciidanka Badda Dalka Itoobiya xiligan.

2019-kii ayay Itoobiya iyo Faransiiska kala saxiixdeen heshiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan wadashaqeynta dhismaha Ciidamada.

Ciidanka Badda ee ay Itoobiya qorshaynayso in ay dib udhisto,waxay ubaahan yihiin Saldhig in ay ka helaan Badda Cas si hamigeedu U rumoobo.

Wadamada ay ka heli karto Saldhigyada,waxaa ugu horeeya….

1.Eritrea
2 Jabuuti
3.Kenya
4.Somaliya.

Dhismaha Ciidamada Badda Itoobiya,ayaa khatarta ugu weyn,waxaa kala kulmi kara Dalka Eritrea,waxaana jira durba in ay walwal ka muujisay qorshahaas.

Markii ay Eritrea ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991-dii, Itoobiya waxay lumisay Dhul Xeebeed ay ku jirtay Dekedda muhiimka u ahayd ee Casab, taasoo Waddankaasna ka dhigtay mid aan Bad lahayn.

Itoobiya waxay rabtaa in ay Cududeeda Milateri gaarsiiso Badda Cas.

Hanka Itoobiya,waa in ay la wareegto illaalinta Amniga Marinnada Badda ee ay isticmaalaan Maraakiibta Ganacsiga.

Qorshaha Itoobiya,waxuu kusoo Aaday xilli Gobolka ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo Burcad badeedd oo Ciidamo caalami ah lasoo dhoobay Biyaha Badweynta Hindiya.