Madaxweyne Axmed Madoobe oo bogaadiyay Rooble

Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa dhankiisa ka hadlay go’aanka Dowlada Somaliya uga laabatay in Onlf ay ka mid tahay Ururada argagixisada.

“Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay Urur argagixiso”Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xaafiiska Madaxweyne Axmed.

Madaxweye Axmed,ayaa hadalkiisa kusoo afmeeray..”Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Shiikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed”