Miyay kulmi doonaan Farmaajo iyo Muuse Biixi markale?

Somaliland ayaa sheegtay inay joojin doonto wada-hadallada kala dhexeeya Dawladda Federaalka ee Somaliya.

Somaliland waxay sabab uga dhigtay in aanay Madaxda Dowlada Fadaraalka Somaaliya diyaar u ahayn inay miro dhalaan wada-hadalladaas.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamud ayaa wareysi uu siiyey VOA ka yiri sidaas.

Hadalkiisa,ayaa kusoo aadaya sida ay sheegayaan xogo laga helay socdaalkii Adis-ababa ee Muuse Biixi in Abiy qorshaynayo in markale uu Farmaajo ku kulansiiyo.

Farmaajo,ayaa Adis-ababa uga qaybgeli doona Shirweyne,waxayna halkaas ku kulmi doonaan Muuse,sida Wararku sheegayaan.

Jibril Qoobey.