Muxuu ka qabaa Mustafe Cagjar Go’aanka Wasiirada Somaliya Ee ONLF ?

Madaxweynaha DDSI Mustafe Cagjar,ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii ay maanta xukuumadda Fadaraalka Somaliya uga laabatay go’aankii ay horay u qaadatay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaas oo Ururka ONLF ku sharciyeeyay in uu argagixiso yahay.

“Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse Qalbidhagax”Ayuu yiri Mustafe.