Video:-Beyle oo marmarsiiyo ka dhigtay Ajandaha kuma jirin ONLF

Beyle oo qiil ka dhigtay in Ajandaha Golaha Wasiirada ee Maanta aysan ku jirin arinka ucodaynta in Onlf laga saaro Liiska argagixisada.

Beyle ma cadayn in uu diiday codaynta arinkaas iyo in kale,waxuuna ku war wareegay Ajandaha kuma jirin.

Marka la qiimeeyo doodiisa kuma filna in looga qanco mana ahan dood gadmaysa,waxaa waajib ku ah in uu Umada hor yimaado oo si cad uqirto khaladkiisa kana dalbado cafis.

Ajandaha kuma jirin ma noqon karto marmarsiiyo ku filan danbi uu galay in uu kaga galgasho.

Shalay,iyadoon Ajandaha ku jirin,ayuu ansixiyay Beyle in Onlf lagu daro Liiska argagixisada loona dhiibo Itoobiya Qalbidhagax.

Maanta maxaa ka reebay codaynta hadaysan ujeedo kale jirin??

Halkan ka daawo muuqaalka