Video:-Kismaayo oo lagu doortay 6-Xildhibaan

Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga HOP 114 ee Golaha Shacabka JFS ee deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland.

Wuxuu helay 80 cod, halka Cabdi Aadan Cabdulaahi oo la tartamayey uu helay 12 cod.

Maxamed Sheekh Nuur Cismaan ayaa qaab gacan taag ah ugu guuleystay kursiga HOP 107 ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay Xasan Cismaan Aadan oo la tartamayey.

Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga HOP 120 ee Golaha Shacabka JFS ee deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland.

Wuxuu helay 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu helay 18 cod.

Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga HOP 111 ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu helay 79 cod, halka Aadan Mursal Cadow oo la tartamayey uu helay 17 cod.

Cabdinuur Cali Aadan ayaa qaab gacan taag ah ugu guuleystay kursiga HOP 028 ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay Axmed Cabdi Maxameed oo la tartamayey.

Dr Siciid Maxamed Cali ayaa ku guuleystay kursiga HOP 093 ee Golaha Shacabka JFS ee deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland.

Wuxuu helay 74 cod, halka Mahad Nuur Cismaan oo la tartamayey uu helay 24 cod, Waxaana halaabay 3 cod.

Halkan ka daawo muuqaalka